Thursday, February 18, 2016

asaaaaaaaa

Unknown     12:41 AM    

Monday, September 21, 2015

Madaxweyne Xassan oo si adag uga hadlay arrinta shirka wadatashiga iyo Khilaafyada taagan

Unknown     8:04 AM    
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in meel fiican ay marayaan wada hadaladii u socday dowladda Federaalka iyo maamulka Somailand, isagoo intaa ku daray in sida duruufaha ugu ogolaadaan ay uga mid noqon doonaan shirarka wadatashiga. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo arrimahaasi ka hadlayay ayaa yiri “Howshan aan bilownay, waxaan dhahnay waa […]

DEG DEG Madaxweyne Xassan iyo Shariif Xassan oo 2 Diyaarad uga kala duulay Garoonka Aadan Cade xili shirka wadatashiga yahay Qabyo

Unknown     7:45 AM    
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno lasocda ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxa uuna Madaxweynaha u ambo baxay Dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta. Xasan Sheekh ayaa shir gudoominayay Shirka Wadatashiga ee looga arinsanayo aayaha Siyaasadeed ee dalka marka la gaaro sanada 2016-ka , waxaana shirkan wali […]

Sunday, September 20, 2015

Dhibaatooyinka Dhalinyarada haysata Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil

Unknown     6:43 PM    




Muxaadaro Guusha iyo Liibaanta Nolosha Success In Life Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun

Unknown     5:50 PM    

DAAWO SAWIRADA Qaxooti sida lofasaxay in racaan tariin lodiyariyay

Unknown     5:06 PM    



Telefashinada iyo wargeysyada Caalamka ayaa soo bandhigay sawiro muujinaayo dhibaatada Qaxootiga Suuriya.
Sawirada ku muuqda ayaa waxaa laga soo qaaday Qaxootiga ku qulqulaayo Dalka Croatia oo maanta loo firaaqeeyay xarun dhan oo tareenada laga raaco qoxooti doonayay in ay waddamada Yurubta qaniga ah galaan.
Qaxootigaani ayaa waxaa fursad loo siiyay inay maalmo kusoo gabagabeeyan safaradooda waxaana lasiiyay bosteejo ay ka raacan tariino iyaga u gaar ah.

Kaliil oo ay xaaladu ku xuntahay iyo Garabka Axmed Madoobe oo wajiyo cusub lasoo baxay

Unknown     4:46 PM    
Iyadoo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia, ay ku qulqulayaan Degmada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo, ayaa waxaa la soo sheegayaa in halkaasi ay uga qeybgaleen shirar lagu dhexdhexaadinaayo Maamulkii hore ee Gedo iyo kan cusub.
Xildhibaanadaani oo dhowr jiho kasoo kala jeeda ayaa waxaa ujeedkooda lagu sheegay xal u raadinta ismari waaga u dhexeeya maamulkii here iyo kan cusub ee Maamulka Jubbaland u soo Magacaabay Gobolka Gedo.
Xildhibaanadaani ayaa iskooda isku xilqaamay si xal waara looga gaaro Khilaafyada sababay iska hor imaadka Maamulkii hore iyo kan taagan.
Xildhibaanadaani gaaray degmada Garbahaarey, ayaa waxa ay kulamo u qabteen labada garan, inkasto dad ku dhow dhow Xildhibaanadaasi ay maanta soo sheegen in shirka uu yahay mid lagu kala kacay, kadib markii Gudoomiyihii hore Kaliil uu diiday in Maamulka loo xalaaleeyo garrabka Axmed Madoobe.
Shir ay maanta iskugu yimaaden ayaa waxa ay uga wada haleen sida Kaliil uu Gedo ugu noolaan lahaa isaga oo aan geysan wax dhib ah, balse waxaa arintaasi ka hor imaaday Kaliil oo sheegay in arinka u ka weyn yahay ku noolanshiyaha Gedo, balse uu doonaayo in xal rasmi ah laga gaaro qilaafka.
Maxamed Cabdi Kaliil oo ah gudoomiyahii hore ee Gedo iyo Iimaan Cadow Kaarshe oo ahaa gudoomiyahii Garbahaarey ayaa gabi ahaantoodba waxa ay diidan yihiin in xilalkaasi laga qaaday.
Kaliil waxa uu ka cabanayaa in lagu xadgudbay xasaanadiisa maadaama qaab xun loola dhaqmayna aysan suuragal aheyn inuu natiijo la gaaro Maamulka garabka uu soo magacaabay Axmed Madoobe.
Tan iyo markii maamulka Cusub uu soo Magacaabay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa soo ifbaxay is qab qabsiga ku aadan dhinaca maamulka gobolkaasi iyadoo ay xusid mudantahay in masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ay ku sugan yihiin Magaalada Garbahaareey.

© 2015-2016 bakiin