Iyadoo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia, ay ku qulqulayaan Degmada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo, ayaa waxaa la soo sheegayaa in halkaasi ay uga qeybgaleen shirar lagu dhexdhexaadinaayo Maamulkii hore ee Gedo iyo kan cusub.
Xildhibaanadaani oo dhowr jiho kasoo kala jeeda ayaa waxaa ujeedkooda lagu sheegay xal u raadinta ismari waaga u dhexeeya maamulkii here iyo kan cusub ee Maamulka Jubbaland u soo Magacaabay Gobolka Gedo.
Xildhibaanadaani ayaa iskooda isku xilqaamay si xal waara looga gaaro Khilaafyada sababay iska hor imaadka Maamulkii hore iyo kan taagan.
Xildhibaanadaani gaaray degmada Garbahaarey, ayaa waxa ay kulamo u qabteen labada garan, inkasto dad ku dhow dhow Xildhibaanadaasi ay maanta soo sheegen in shirka uu yahay mid lagu kala kacay, kadib markii Gudoomiyihii hore Kaliil uu diiday in Maamulka loo xalaaleeyo garrabka Axmed Madoobe.
Shir ay maanta iskugu yimaaden ayaa waxa ay uga wada haleen sida Kaliil uu Gedo ugu noolaan lahaa isaga oo aan geysan wax dhib ah, balse waxaa arintaasi ka hor imaaday Kaliil oo sheegay in arinka u ka weyn yahay ku noolanshiyaha Gedo, balse uu doonaayo in xal rasmi ah laga gaaro qilaafka.
Maxamed Cabdi Kaliil oo ah gudoomiyahii hore ee Gedo iyo Iimaan Cadow Kaarshe oo ahaa gudoomiyahii Garbahaarey ayaa gabi ahaantoodba waxa ay diidan yihiin in xilalkaasi laga qaaday.
Kaliil waxa uu ka cabanayaa in lagu xadgudbay xasaanadiisa maadaama qaab xun loola dhaqmayna aysan suuragal aheyn inuu natiijo la gaaro Maamulka garabka uu soo magacaabay Axmed Madoobe.
Tan iyo markii maamulka Cusub uu soo Magacaabay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa soo ifbaxay is qab qabsiga ku aadan dhinaca maamulka gobolkaasi iyadoo ay xusid mudantahay in masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ay ku sugan yihiin Magaalada Garbahaareey.
0 comments :