Sunday, September 20, 2015

Barcelona Oo Camp Nou Ku Dubatay Kooxda Levante, Messi Oo Laba Gool Dhaliyay Rekoodhena Iska Qasaariyay Iyo Balaugrana Oo Dib Ula Wareegtay Hogaanka Horyaalka La Ligaha

Unknown     4:39 PM    

Kooxda Barcelona ayaa siiwadata guulaheeda xidhiidhka ah ee horyaalka Spain ee La ligaha, waxayna guul wayn ka gaadhay kooxda Levante oo marti ugu ahayd Camp Nou. Barcelona ayaa kulankan guusha ku gaadhay 4:1 waxaana laba gool udhaliyay Lionel Messi oo waliba rekoodhe iska qasaariyay halka Bartra iyo Neymar ay labada gool ee kale dhaliyeen.
Barcelona ayaa dib ula wareegtay hogaanka horyaalka La Ligaha oo ay Real Madrid si ku meel gaadh ah u haysay ilaa xalay.Barcelona ayaa siiwadata guulaheeda boqolkiiba boqolka ah ee ay xili ciyaareedkan ku bilaabatay horyaalka La Ligaha ee ay koobkiisa difaacanayso.

Barcelona ayaa Camp Nou ku soo dhawaysay kooxda Levante, waxayna kooxda Luis Enrique raadinaysay inay sii wadato guulaheedii xidhiidhka ahaa ee horyaalka La Ligaha. Barcelona ayaa kulanka ciyaaraysay iyada oo soo wada guulaysatay kulamadii ay soo ciyaartay waxayna Barca maanka ku haysay sidii ay dib ugu soo laaban lahayd hogaanka horyaalka maadaamo ay Real Madrid xalay si ku meel gaadhan ah u sii qabatay iyada oo Granada guul ka gaadhay.
Barcelona ayaa tobankii kulan ee ugu danbeeyay ee ay Camp Nou ku marti galisay kooxda Levante tobanka kulankaba soo guulaysatay waxayna shabaqeeda ilaashatay shan kulan iyada oo waliba goolal badan ka dhalisay kulamadan, sidaa daraadeed kooxda martida ahayd ee Levante ayuu qorshaheeda kowaad ahaa inay difaacato isla markaana ay weerar deg deg ah qaado marka ay kubbad hesho.
Tababare Luis Enrique ayaa kulankan shaxdiisa si wayn isbadal ugu sameeyay wuxuuna kursiga kaydka fadhiisyay ciyaartoyda kala ah Luis Suarez, Iniesta,Jordi Alba iyo Sergi Roberto. Dani Alves ayaa dib ugu soo laabtay shaxda Barca kadib markii uu si buuxda uga soo kabsaday dhaawac uu muddo la maqnaa, waxaana shaxda Barcelona ku bilawday da’yarka Munir iyo Sandaro waxaana sidoo kale fursad la siiyay Bartra iyo Adriano.
Barcelona ayaa bilawgii ciyaartaba kubbada caganta ku qabatay waxayna bilawday inay abuurto fursado isdaba joog ah laakiin kooxda martida ahayd ee Levante ayaa samaysay iska caabi wayn iyada oo Barcelona udiiday inay wax gool ah ka dhaliso qaybta hore.
Neymar,Messi iyo Munir ayaa helay fursado goolal loo fishay laakiin goolhayaha Levante iyo difaaca kooxdan ayaa smaeeyay badbaadino aan caadi ahayn taas oo keentay in Barcelona ay qaybta hore u maaro waydo inay wax gool ah dhaliso.
Da’yarka Munir ayaa u muuqday inuu Barcelona hogaanka u dhiibay kadib markii uu kubbad kula soo baxay goolka Levante balse da’yarkan ayaa isku dayay inuu kubbada u qabto oo uu gambis ku sameeyo difaaca Levante taas oo goolhayaha Levante ee Ruben inuu sameeyo badbaadin muhiim ah.
balse fursada ugu halista badnayd ee ay Barcelona heshay ee ay jamaahiirta Camp Nou isku istaageen ayaa timid daqiiqadii 37 aad kadib markii uu Lionel Messi darbo quwad leh ku tuuray goolka Levante isaga oo kubbada fiican la sii ciyaaray xidigaha kooxdiisa laakiin darbadan oo gantaal ahayd ayuu markale goolhaye Ruben sameeyay badbaadin cajiib ah isaga oo iyada oo kubbadu farihiisa ka soo booday waxaana kubbada sii raacday Sandro balse darbadiisa ayaa baanka u baxday.
Tab iyo xeelad kasta oo ay Barcelona samaysay ayaan noqon mid lagu faa’iiday, waxayna difaaca Levante ku amaanaayeen inay iska ilaaliyeen fursadaha daadka ahaa ee kaga imanayay weerarka Barcelona. Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah balse ay Barcelona wax kasta oo aan gool ahayn ay garoonka ka samaysay.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Barcelona soo laabatay iyada oo dhaarsan waxayana markiiba ay isbadal ka samaysay qaab ciyaareedkii ay qaybta hore goolasha ku dhalin wayday.Daqiiqadii 50 aad ayuu  Marc Bartra kooxdiisa Barca udhaliyay goolka ay sida wayn u raadinaysay, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Barcelona hogaanka kula wareegtay.
Lionel Messi ayaa kubaad cajiib ah isaga oo xerada Levante dhex taagan si fiican uga dulqaaday difaaca Levante oo aad u badnaa, waxaana boos fiican qaatay  Marc Bartra kaas oo marka hore kubbada xabadka ku dajistay isla markaana si fiican kubbada u dhamaystiray.

Daqiiqadii 52 aad ayuu Neymar ku sigtay inuu Barcelona udhaliyo goolkeeda kadib markii uu kubbad aan la rumaysan karin Messi ka soo tuuray meel goolka badhtankiisa ah laakiin Neymar ayaan fursadan ka faa’iidaysan.Laakiin Neymar ayaa qalad badan oo uu sameeyay saxay daqiiqadii 56 aad kadib markii uu kooxdiisa Barca udhaliyay goolkeeda labaad, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Barcelona hogaanka ku dheeraysatay.
Levante oo qaybta hore soo bandhigtay difaac fiican ayaa qaybta danbe u muuqatay inay u adkaysan wayday weerarka Barcelona. Daqiiqadii 61 aad ayaa Barcelona lagu abaal mariyay kadib markii uu difaaca Levante ee Trujillo uu qalad ku galay Neymar. Levante ayaa nasiib ku lahayd in aan rekoodhe kale kagu dhigin kadib markii uu difaaceedu kubbad gacanta ku dhubtay isaga oo xerada ganaaxiisa ku jira.
Lionel Messi ayaa kubbada qaatay wuxuuna rekoodhahan u sarifay goolka saddexaad ee kooxdiisa Barcelona isaga oo jahada qaldan u diray goolhaye  Ruben wuxuuna ciyaarta markiisa Messi ka dhigay 3:0 ay Barcelona hogaanka ku dheeraysatay.

Daqiiqadii 66 aad ayaya Levante la timid goolkeeda furitaanka waxaana goolkan udhaliyay  VĂ­­ctor kaas oo ciyaarta ku jiray saddex daqiiqo oo kaliya, wuxuuna ka faa’iidaystay kubbad buuq lagu sameeyay xerada ganaaxa Barcelona wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3:1 ay wali Barcelona hogaanka ku hayso.
Daqiiqadii 75 aad ayuu Lionel Messi kubbada soo baacsaday isaga oo ay is eryanayaan xidiga Levante ee Feddal kaas oo qalad ku galay Messi oo xerada ganaaxa Levante ku jira, wuxuuan markale garsooruhu tilmaamay inay rekoodhe tahay balse Messi ayaa markan qasaariyay fursada uu goolka labaad ku dhashan lahaa wuxuuna kubbada sare ka mariyay birta goolka.
Daqiiqadii 89 aad ayuu Lionel Messi iska mayday ama iska dhaqay rekoodhaha uu kooxdiisa ka qasaarayay wuxuuna markan kooxdiisa udhaliyay goolkeeda afraad isaga oo ciyaarta ka dhigay 4:1 ay Barcelona ku dhibaataynayso kooxda martida u ahayd ee Levante. Messi ayaa kubbad si cajiib ah ula soo dhex orday difaacyada Levante kadib ayuuna isaga oo cidhifka xerada ganaaxa Levante jooga darboo hoose ku dhaliyay goolkiisa labaad. ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4:1 ay Barcelona ku dubatay Levante isla markaana ay dib ugu soo laabtay hogaanka horyaalka La Ligaha.




0 comments :

© 2015-2016 bakiin