Hadla heynta ugu badan todobaadkaan dhanka kubada cagta waa habdhaqanka Diego Costa kaas oo nasiib ku lahaa inaan laga saarin kulankii ay shalay kooxdiisa 2-0 ku garaacday kooxda ay magaalo xifaaltamaan ee Arseanl.
Diego Costa ayey kaamirooyinka soo qabteen isagoo dharbaaxaya daafaca dambe ee Arsenal Laurent Koscielny sidoo kalana mar kale ayaa la arkay isagoo xabadka ku qaaday Laurent oo dhulka hal-halel ugu dhacay taasna waxey sababtay in Diego Costa iyo Gabriel Paulista ay is qabsadaan.
Murankii dhexmaray labadaan xidig ee asal ahaanta kasoo wada jeeda Brazil ayaa sababay in Gabriel Paulista kaarka cas loo taago, hab dhaqanka Diego Costa waa la dhaleeceeyay iyadoo garsoorahii hore Ingiriiska Graham Poll uu FA-ga ka codsaday in la baaro xidigaan reer Spain.
Hadaba Halyeeygii hore Arsenal iyo xulka Ingiriiska Martin Keown kaas oo haatan ka mid ah qorayasha wax ku qoray Daily Mail ayaa jeclaan lahaa inuu wajaho Diego Costa iyadoo ninkaan lagu xasuusto inuu ahaa daafac aad u dagaal badan.Martin Keown wuxuu bogiisa twitter-ka kusoo qoray: “Waan jeclaan lahaa inaan ka hor imaado Diego Costa” taasoo ka dhigan inuu aad uga carooday falkii uu shalay ka sameeyay ciyaarta iyadoo garsoore Mike Dean uusan garoonka ka saarin.
0 comments :