Kooxda Paris Saint Germain ayaa lagu soo waramayaa iney il gaar ah ku heyso xaalada tababare Jose Mourinho iyadoo dooneysa iney Parc des Princess keento xagaaga soo aadan.
Mustaqbalka macalinkaan ee kooxda Blues ayaan la hubin madama ninkaan reer Portugal uu xagaagan ku bilowday si xun wuxuuna guuldareystay 3-kulan lixdii kulan ee ugu horeeyay xagaagan.Sida ay qortay Express kooxda ka dhisan magaalada Paris ayaa aaminsan iney soo xerogalin karto macalinkii hore Inter Milan, Porto iyo Real Madrid marka uu dhamaado xagaagan iyadoo ka warqabta in heshiiska uu kooxdaan galbeedka london ka dhisan kula jiro uu ku egyahay 2019.
Lauren Blanc ayaa haatan maamula Paris Saint Germain balse macalinkaan reer France wuxuu ku fashilmay inuu kooxda u hogaamiyo ku guuleysiga koobka horyaalada yurub oo ah bartilmaameedka koowaad ee kooxdaan.
Si kastaba Mourinho shalay guul ayuu gaaray kulankiisii horyaalka wuxuuna 2-0 ku quusiyay ninka ay sida ba’an u xifaaltamaan ee Arsene Wenger iyadoo PSG ay barbaro dirqi ah ka heshay koxda Reims.
0 comments :