Sunday, September 20, 2015

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helaayo shirka wadatashiga ka socda Magaalo madaxda dalka

Unknown     4:08 PM    

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayan in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Madaxda Somalida, ee shirka uu maalintii labaad kaga soconaayo Magaalada Muqdisho.
Khilaafkan, ayaa yimid markii Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, uu si xoogan uga horyimid in shirkaasi laga qaybgeliyo Maamulka Galmudug, markii uu sheegay inaanay Puntland aqoonsanayn jiritaanka Maamulkaasi.
C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay inaanay Puntland ka qaybgeli doonin shirkaasi, inta ay qayb ka tahay Galmudug, isagoona ku adkeystay in labada Maamul aynaan marnaba ka wada qaybgeli karin.
Madaxweynaha Puntland oo ku dhawaaqay in Puntland ay shirka isaga baxday, ayaa dadaalo badan ka dib lagu soo celiyay madasha shirka, iyadoo loogu baaqay in uu shirka ku soo laabto, markaasi ka dibna laga wada hadlo diidmadiisa ka dhanka ah Galmudug.
Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaya in illaa iyo hadda ay socoto qancinta loo jeedinayo wefdiga Puntland, ee la xiriirta in Galmudug shirka ay qayb ka ahaato, maadaama waxa laga hadlaya ay yihiin mustaqbalkii dalka iyo wixii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka ee Dowladda, marka la gaaro sanadka 2016-ka.
Maamulka Puntland, ayaa ka biyo diidan in Waqooyiga Gobolka Mudug oo uu ka arrimiyo lagu biiriyo Maamulka Galmudug, oo ku magacaaban Gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Shirkan oo galabta lagu waday in lagu soo gaba gabeeyo Magaalada Muqdisho, ayaanba looga hadlin ajandayaashii lagu waday in looga hadlo, iyadoo ay suurta gal tahay in shirka uu dib u dhaca Isniinta berrito ah, haddii aan xal laga gaarin khilaafka taagan.

0 comments :

© 2015-2016 bakiin